Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khudbad dheer uu u jeediyay Kumanaan kun oo shacab ah oo ka soo qeeybgalay Dibad bax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Ayaa ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid tahay wixii u qabsoomay muddadii 100-ka maalmood ah oo uu talada dalka hayay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay dhinacyada musuq maasuqa , howlgalada hubka ka dhigista ah mashaariicda iyo balaan qaadyo uu dadka Soomaaliyeed u sameeyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay ku guuleeystay in ay soo afjarto musuq maasuqa waxaana uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan dagaalka lagula jiro musuq maasuqa.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday Maalgashi ay dunidu ku sameeyso Soomaaliya waxaana uu caalamka ugu baaqay in ay maalgashtaan Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Warbixin Qudbada Madaxweynaha.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho