Real Madrid oo u soo baxday Final-ka tartanka Champions League-ga

Kooxda kubadda cagta reer Spain ee Real Madrid ayaa xalay u soo baxday final-ka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga waana sanadkii labaad oo xidhiidh ah oo ay soo gaadho ugu danbeynta tartankan.

Real Madrid oo ay lugta labaad ee Afar dhamaadka tartankan ay 2-1 ku aga soo badisay kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid ayaa celcelis ayaan ku soo baxday 4-2, madaama kulankii lugtii hore ay Real Madrid ku soo badisay 3-0.

Real Madrid ayaa kulan bilowgii looga gacan sareeyay, ka dib markii  ay Atletico Madrid labo gool oo degdeg ah u keeneen laacibiinta S. Niguez iyo A. Griezmann daqiiqadihii 12-aad iyo 16-aad, laakiin Isco ayaa niyad jabiyay Atletico markii uu gool ka dhaliyay daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Real Madrid ayaa final-ka tartankan 3-da bisha soo socota ee June laciyaari doonta kooxda Juventus kulan ka dhici doona magaalada Cardiff ee dalka Wales.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST