
Maanta oo axad ah indhaha mucaashaqiinta kubbada cagta ayaa ku sii jeeda garoonka MetLife, New Jersey ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ka dhici doono ciyaarta kama dambaysta Koobka Adduunka 2026.
Ciyaarta kama dambaysta waxaa isku wajihi doona xulalka qaramada Argentina iyo Spain oo ka soo haray 48 dal oo tartanku ku bilowday.
Argentina oo saddex koob adduun haysata (1978, 1986, 2022) waa markii tobobaad oo ay timaado kama dambaysta, waxayna doonaysaa in ay qaado kii afraad, halka Spain oo hal mid haysata (2010) ay tahay markii labaad oo ay timaado kama dambaysta, iyada oo doonaysa in ay ku guuleysato kii labaad.
Lionel Messi wuxuu doonayaa in uu markii labaad oo xiriir ah qaado Koobka Adduunka, islamarkaana uu ciyaaraha ka fariisto, halka Lamine Yamal uu doonayo in Koobka Adduunka qaado isaga oo jira 19 sano.
Kulankan waxaa isha lagu hayaa labadooda (Lamine Yamal iyo Lionel Messi), kuwaas oo kii ku guuleysta tartankan uu qaadan doono abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2026.
Taariikhda Koobka Adduunka
Koobka Adduunka waa koob dahab ah kaas oo la guddoonsiiyo ku-guuleystayaashii tartanka kubbadda cagta. Waa mid ka mid ah koobabka ugu qaalisan taariikhda ciyaaraha, waxaana lagu qiimeeyaa $20 milyan. Wuxuu dhererkiisu yahay 36.5 sentimitir (14.4 inji), halka uu 75% ka sameysan yahay dahab.
Koobka Adduunka ee caawa la soo gabagabaynayo waa kii 23-aad tan iyo markii ay ciyaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waana ciyaaro kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA.
Dhacdada Koobka Adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.
Dalalka martigaliyay
Uruguay -1930
Italy -1934
France – 1938
Brazil – 1950
Switzerland -1954
Sweden – 1958
Chile – 1962
England – 1966
Mexico -1970
West Germany -1974
Argentina -1978
Spain-1982
Mexico- 1986
Italy – 1990
USA -1994
France- 1998
South Korea iyo japan –-2002
Germany – 2006
South Africa – 2010
Brazil – 2014
Russia – 2018
Qatar – 2022
2026 – USA, Canada iyo Mexico.
Sida loogu kala guuleystay
1930: Uruguay
1934: Italy
1938: Italy
1950: Uruguay
1954: West Germany
1958: Brazil
1962: Brazil
1966: England
1970: Brazil
1974: West Germany
1978: Argentina
1982: Italy
1986: Argentina
1990: Germany
1994: Brazil
1998: France
2002: Brazil
2006: Italy
2010: Spain
2014: Germany
2018: France
2022: Argentina
2026: ?
PUNTLAND POST