Xidig u dhashay Ingiriiska oo ku guuleystay abaarinta kubadda cagta ee Ballon d’Or

Weeraryahanka reer Ingiriis ee Harry Kane ayaa ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta sanadka 2026.

Harry Kane oo 33 jir ah wuxuu tartan adag kaga adkaaday Lamine Yamal iyo Kylian Mbappe, isaga oo munaasabad caawa ka dhacday magaalada London lagu guddoonsiiyay abaalmarintan oo ah tan shaqsiga ah ee ugu qiimaha badan kubadda cagta.

Harry Kane ayaa xilli-ciyaareedkii hore ( 2025-2026) dhaliyay 73 gool, isaga oo kooxdiisa Bayern Munich kula guulaystay horyaalka  Jarmalka, sidoo kale wuxuu wacdaro ka dhigay tartankii koobka adduunka ee sanadkan, isaga oo xulkiisa Ingiriiska gaarsiiyay afar dhamaadka.

Harry Kane ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah oo ku guuleysta abaalmarinta Ballon d’Or tan iyo markii uu ku guuleystay Michael Owen sanadkii 2001-dii.

Waa xidigii shanaad ee Ingiriis ah oo abaalmarintan ku guuleysta; kuwa kale waxaa ka mid ah Stanley Matthews (1956), Bobby Charlton (1966), iyo Kevin Keegan (1978 iyo 1979).

Denis Law oo u dhashay Scotland (1964) iyo George Best oo u dhashay Waqooyiga Ireland (1968) ayaa iyaguna ka mid ah dadka kale ee ka soo jeeda Boqortooyada Ingiriiska (United Kingdom) ee abaalmarintan ku guuleystay.

PUNTLAND POST