Kulan Looga hadlayay Maamul u sameeynta Hiiraan&Sh/Dhexe oo Jowhar ka dhacay

Jowhar (Puntland Post) Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha , gudiga Fududeynta shirka maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo Shabeelaha dhexe  iyo masuuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Jowhar kulan saacado qaatay looga hadlay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxa ay la qaateen Hogaanka dhaqanka ee labada gobol

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa IGAD ayaa dhegeystay aragtida Salaadiinta iyo naboodoona labada gobol ee dhismaha dowlad goboleed lo dhan yahay.

Xoghayaha Joogtada ahee Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka Pro Yaxye Cali Ibraahim  ayaa kulanka kadib waxa warbaahinta Qaranka ugu waramaya waxyaabihi diirada lagu saaray.

‘’ kulan saacado a]qaatay ayaan la qaadanay odayaasha dhaqanka waxaana ugu hadleeynay sidii meesha ay wax u marayeen looga sii dhaqaajin lahaa, odayaashu waxa ay soo bandhigeen aragtidooda waxaana ay ahaayeen kuwa xamaasadeesan oo doonaya dhismaha maamulka waxaan u jeedinaya inay soo qeyb sadaan xildhibaanada Barlamaanka waqti kooban waxaana u balanay kulan kale oo dhacaya talaadada insha allah.

Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka ayaa sidokale sheegay inay raja badan ka qabaan in waqti kooban lagu dhiso maamullka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelah dhexe.

‘’ raja wanaagsan ayaan qabnaa odayaashu waxa ay sheegeen in waqti kooban wax lagu dhiso karo iyada oo la maraya nidaamki dowlad goboleedka Galmudug lagu soo dhisay.

Displaying vlcsnap-2016-09-11-15h01m15s159.pngDisplaying vlcsnap-2016-09-11-15h02m06s188.pngDisplaying vlcsnap-2016-09-11-15h02m31s157.pngDisplaying vlcsnap-2016-09-11-15h03m04s236.pngDisplaying vlcsnap-2016-09-11-15h03m53s239.pngDisplaying vlcsnap-2016-09-11-15h04m42s179.png

Xasan Maxamed Samatar -Cowke

Puntland Post