Cali Xaaji Warsame oo gaaray magaalada Balad-wayne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa Gaaray wafdi uu hogaaaminayo Dr Cali Xaaji Warsame oo Ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Dr Cali Xaaji warsame ayaa la kulmay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble .

Si weeyn ayaa loo Soo Dhoweeyay Magaalada B/weyne Dr Cali Xaaji Warsame oo kulan saacado Qaatay la qaatay Ugaaska .

Cali Xaaji Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku Faraxsanyahay in uu booqasho ku tago Magaalada B/weyne waxaana uu sheegay in uu kulamo la qaadan Doono Waxgaradka Reer Hiiraan iyo Ugaaskaba.

Waa Markii ugu horeeysay ee uu Cali Xaaji Warsame Booqasho ku tago Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST