Booliska dalka Rwanda ayaa sheegay in ay toogteen saddex nin oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, waxaana ragan ay Booliiska ku edeeyeen in ay qorshaynaayeen in ay weeraro ka geystaan magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda.
Afhayeen u hadlay booliiska dalka Rwanda ayaa sheegay in ay ka war heleen ragan lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab oo goob isku aruursanaayay, ka dibna iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidanka Booliska iyo kooxaha la dilay in ay suurta gashay in ay toogtaan ciidanka Booliska.
“Baaritaano horu dhaca ah ayaa tilmaamaya in ay raggaasi qorshaynaayeen in ay sameeyeen urur argagixiso ,waxaana aaminsanahay in raggaan ay gacan saar la lahaayeen ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama dalka aan dariska nahay ee Kenya iyo sidoo kale dalka Somaliya , laakiin ciidanka ammaanka Rwandan marwalba waxa ay ku jiraan heegan buuxa” ayaa lagu yiri war ay soo saareen ciidanka Booliska dowladda Rwanda.
Bishii January ee sanadkan ayay ahayd markii ciidanka Booliska Rwanda ay toogtay nin muslim ah oo lagu tuhmay in uu Ururka Al-shabaab ka tirsanyahay.
PUNTLAND POST