Qarax 60 Ruux lagu dilay oo ka dhacay Pakistan

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday isbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa lagu dilay ugu yaraan 60 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Ugu yaraan 20 ka mid ah dhimashada, ayaa  ah qareeno  dhismaha u yimid tacsida mid ka mid ah saaxiibadooda shaqada, Bilal Kasi oo la toogtay sidoo kale qaraxa ayaa la sheegay in in ay suxufyiin ku dhinteen.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 53-da ruux ee lagu dilay isbitaalka. Sababta weerarka ka dmabeysay ayaan la ogeyn, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

PUNTLAND POST