Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXII) 62 aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

feerkii brlmnk4a
SHiikh SHariif Axmed,  intii uu madax-weynaha ahaa waxaa dowladda lagu tijaabiyay wax kasta oo nidaam siyaasasadeed ahaa oo la doonayay in dalka Soomaaliya laga dhaqan geliyo, waxyaabo badan waxay ku khaldameen waayo aragnimo yaraan faro badan oo jirtay, intii uu joogay haba la bed-bedelo golihisa xukuumada waxay noqdeen kuwii intii ay joogeen wax kasta oo faro gelin ah lagula dhaqmay, biyhii Soomaaliya oo ay Norway sidii dowladdii hoose cabiraysay ha ahaato, ra’iisal wazaare Kampala looga yeeray oo la eryay ha ahaado,wixii intaas ka dambeeyay waxaa caado iska noqday in diplomat-siyiinta shisheeyaha ay dowladda ula dhaqmaan sidii ay iyagu madax u yihiin….waxaana la gaaray in dad-weynaha ay ninkii ay arkaan oo aajnabi ah ay ugu yeeraan madax-weyne,  siiba waxaa aad laysugu raacay in  wakiila hay’adda QM ka socda uu yahay madax-weynaha Soomaaliya, sida runta tahayna wakiillada dalalka shisheeyaha ka joogay Soomaaliya iyagana sidaas si u eg bay u dhaqmeen!…

 

Aaladaha la adeegsaday waxaa ugu muhiimsanaa oo dalka lagu soo daayay hay’ado sama-fal oo aan tiro lahayn laakiin mararka qaarkood ka awood badan dowladaha qaarkood, maxaa yeelay, dowli ma aha laakiin dhammaan dowladaha awoodda sheegta iyo QM baa ku adeegta. Waxaa kaloo dhibaatada jirta ay tahay in hay’adahan aysan jirin cid taqaan ama la socota hadba waxa ay yihiin iyo sida ay u shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay guud ahaan meelaha ay dalka ka joogaan ka qabtaan, waxaana dhaqankii siyaasiyiinta hareeyay in hay’adahaas ay u isticmaalaan ilo ay dadka shaqo abuuris uga dhigayaan iyaga oo aan xaqiiqo ahaan ka war hayn wax ay shaqada hay’adda ku salaysantahay .

 

Marka taas laga soo tago, horay waxaan uga soo hadalnay UNDP iyo sidii ay ula dhaqmaysay xukuumaddii Cali Max’ed Geeddi, laakiin xilligii uu SHiikh SHariif Axmed yimid waxay ahayd xilli aad moodo in diplotsiyiinta shisheeyaha ay is fahamsiiyeen inay maamuli karaan ama sida ay doonaan u maamuli karaan madaxda dalka taasoo aad moodaysay in lagu saleeyay fikir ah waxaan ridnay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi, marka haddii ay tijaabadaas suuro gashay kuwa kalana ama way ina raacayaan ama waan ridaynaa, waxaan arrin caadi ah iska noqotay in nin kasta oo aajnabi oo madax ka ah hay’ad dalalka shisheeyaha ah ka timid uu si fudud madaxda dalka ugu sareysa  iskagala kulmo oo wuxuu doono uu u jeediyo, waxaase xusid mudan hay’adda QM ee Mintoring Group oo iyada waqtiyadii uu SHiikh SHariif madax-weynaha Hawl-Wadeen ka ahaa Mathew Bryden ay dhowr jeer murmeen madaxdii dowladda.

 

Monitoring Group waxay u xil saarantahay la socoshada Cuno Qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea, sida la sheego hay’addan ayaa shaqadeedu tahay inay la socota sida ay u dhaqan gashay cuno qabtaynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea saaran, waxayna awood u leedahay kooxda hay’addan shaqaalaha ka ah inay samayso baaritaano la xiriira arrintaas haddii loo bahdo iyo inay ilaaliso meelaha wax ka soo degaan haddiiay tahay dekedaha iyo gigooyinka diyaaradaha….hadaba Hawl-Wadeenkii ( Coordinator) kooxdan Matt Bryden ayaa dhowr jeer war bixino uu ka diyaariyay arrimaha Soomaaliya ee la xiriirta cuno-qabataynta  waxaa ka muuqday inuusan xaqiiqo ka sheegin oo ay ku dhex jireen waxyaabo badan oo ka carysiiyay siyaasiyiinta dalka qaarkood ilaa ay ugu dambayntii dowladdii SHiikh SHariif Axmed ka dacwootay oo ay arrintaas u gudbisay QM.

 

Waxaa arrin yaab leh ahayd in sanadkii 2010kii ay dowladdii Soomaaliyeed ee xilligaas oo ay codsi u gudbisay QM iyadoo markaas weydiisanaysa in Mathew Bryden laga bedelo oo aysan ku faraxsanayn hawlaha uu Soomaaliya ka hayo waxayna markaas si gaar ah ugu eedeysay inuu war baxino been ah ka faafiyay, hasa ahaatee waxaa isla markiiba arrintaas si adag uga jawaabay safiirradii Maraykanka iyo Ingiriiska oo madax-weyne SHiikh SHariif Axmed u sheegay inuu arrinkaas ka laabto…..waxayna talladii ku dhamaatay in dowladdii ay dacwadeedii la soo laabatay…..

 

 

Inkastoo laga diiday dacwadii ay  dowladdii SHiikh SHariif ka gudbisay ninkaas oo ay la noqday hadana nasiib wanaag ninkii Mathew Bryden waxaa ku kacay dadkii la shaqayniyay ee hay’addii uu madaxda u ahaa ee Monitoring Group For Somalia And Eritrea (Hay’adda la socoshada cuno-qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea) oo dacwooyin ka qoray iyagoo ku eedeyniya inuusan aqoon u lahayn xirfadda iyo shaqada hay’adda uu madax ka yahay oo uusan xaqiiq ka sheegin arrimaha iyo shaqada isla markaasna ku gabood fala oo aan dhexdhexaad ka noqon, taasoo wax dhaawacday kalsoonidii lagu qabai lahaa Group-ka…..waxaana dhacday in bil ka hor intaan la bedelin dowladdi SHiikh SHariif madax-weynaha ka ahaa qoraal uu soo saaray Xog-hayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon uu ku sheegay in Mathew Bryden laga eryay Hawl-Wadeenimmadii (Coordinator)  Kooxdii La Socodka Cuno-Qabataynta Hubka Ee Soomaaliya Iyo Eritrea.

 

Hay’addan ayaa marar badan waxay is qabteen dowladda Soomaaliyeed, war bixinadeeda oo dhan marka aad fiirisid  aad is oranaysaa danta laga leeyahay waa in Soomaaliya aysan ka hoos bixin AMISOM ama ay gacan kale maamusho. Ninka la yiraahdo Mathew Bryden oo isagu in muddo ah Soomaaliya ku noolaa ahaana Hawl-Wadeenka hay’addaas marar badanna arrimaha Soomaaliya war-bixino uu ka diyaariyay ayaa waxaa had iyo jeer wararkiisa aad uga cabanayay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, marar bandanna war bixinnada uu gudbiyo ku tilmaamay inay yihiin kuwo laga leeyahay ujeeddo ka duwan xaqiiqda shaqadiisa.

 

 

 

Dacwada ninkaas laga gudbiyay sababta uu SHiikh SHariif uga noqday cillad kale ayeey tilmaamaysay, cillad ah inuu madaxa ku hayay nimankaan inay keeneen oo awoodda dalka ay u dhiibeen!…..waxaa kaloo uu u arkaayay war-bixin kasta oo lid ku ah siyaasaddiisa oo laga qoro  mid isaga iyo dowladdiisa ay dhibaato ka soo gaari karto….madaxdii oo dhan waxay yeesheen dhaqankaas, waxay rabaan dad aysan madax u ahayn, oo aysan dowlad u ahayn, oo aan Soomaaliya joogin waxay doonayaan  oo ay ku taliyaan inay ku maamulaan ummad dhan oo soo jirtay oo dhaqan iyo talo lahayd…waxay doonayaan inay raali ka dhigidda dad kale oo aan Soomaali ahayn ay Soomaaliya ku xukumaan oo madax ugu ahaadaan!

 

Matt Bryden, wuxuu ka shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ku magaacaaban xagga siyaasadda iyo sama-falkaba Soomaaliya dhexdeeda, wuxuuna madax ka yahay ama sida la yiraahdo mararka qaarkood uu leeyahay hay’adda Sahan Research And Devlopment Organization, oo iyadu ah hay’ad ka mid ah kuwa aan dowliga ahayn, wuxuuna caan ku yahay inuu xiriir la leeyahay ha’yado badan oo xagga sama-falka ku magacaaban oo dalka ka jira, ninkaan askariga hore ee Kandiyaanka ah, wuxuu Soomaaliya intuu joogay gaaray inuu isku dayo isagoo shaatiyo badan iska dul qaba inuu siyaasadda Soomaaliyeed saamayn muuqato ku yeesho…waxaan jirta in siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed ay  ku tilmaameen inuu yahay nin is bedel badan oo aan lahayn meel loogu hagaago aadna u raadiya xoogaha siyaasadda Soomaaliya.

 

 

Urur kasta oo dalka jooga wuxuu ka awood batay dowladda, iyo maamulladii gobollada, dalka wuu iska soo galay, ama Qurbo-Joog Soomaaliyeed  baa keentay, oo dowlad ma ogeyn immaatinkiisa, lamana yaqaan wuxuu yahay ama uu ka qabanayay dalka…..ururadda sidaas ah ee dalka jooga wax tiro lagu soo kobo waa ka bateen lamana yaqaan, meel kasta oo dalka ka mid ahna waa wax ka jira… Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!

Beri la soco….

*Cudur-daar:

Waxaan ka cudur daaranaynaa in shalay uu qoraalku  khaldamay, cillad la xiriirta xagga technology-ga

PUNTLAND POST