Banaan bax Balaaran oo ka Dhacay Turkiga

In ka badan Shan Malyan oo qof ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, dadka ka qeybgalay isu soo baxa ayaa lulayay calanka Turkiga, iyadoo dibad baxa ay ka qeybgaleen madaxweynaha Turkiga iyo axsaabta siyaasadda ee dalkaas marka laga reebo kuwo Kurdiyiinta ah.

Isu soo baxa ayaa lagu sheegay in la muujiyo sida dadka Turkiga u dhashay ay ugu soo horjeedaan falalka lagu carqaladeynaayo amniga iyo deganaanshaha dalkaas gaar ahaan isku daygii inqilaabkii dhicisoobay ee 15 bishii la soo dhaafay ka dhacay dalka Turkiga iyo in la xasuusto dadkii ku dhintay isku daygaas intii uu socday.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo banaan baxayaasha khudbad u jeediyay ayaa u mahadceliyay dadka Turkiga kaalintii ay ku lahaayeen in ay ka hortageen isku daygii inqilaabkii dhicsoobay,isagoo sidoo kale u mahadceliyay hogaamiyeyaasha axsaabta siyaasadda dalka iyo ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

In ku dhow  60,000 oo isugu jira saraakiil ciidan, garsoriyaal, macalimiin iyo kuwo kale ayaa la qab qabtay tan iyo markii uu dhacay inqilaaabkii dhicisoobay kuwaas oo lala xiriiriyay in ay ka dambeeyeen dhacdadaas.

t1

t2

t3

t5

t6

t7

t8

t9

t10

t11

t12

t13

t14

t15

PUNTLAND POST