Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L) 50aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

feerkii brlmnk8
Murti Soomaaliyeed baa tiraahda”Waxay ina badeen waxay ina bareen baa ka daran” dowlad la’aantii iyo burburkii dalka ku dhacay sidii looga baxi lahaa waxaa ka darnnaaday sidii loo heli lahaa dad dowladnimo raba, sidii loo heli lahaa xubno dowladeed oo yaqaan nidaam dowladeed oo qaynuunka iyo waxyaabihii lagu hishiiyay ee la wada qortay fahamsan qof kasta waajib ku tahay inuu fuliyo oo raaco, waxaana arrinta uga sii darayay dowlado waaweyn oo wadmmada horumaray ah oo dhiiri gelinayay in muran iyo khilaaf uusan dowladda dhisantay dhexdeeda ka dhammaan…. Xil-dhibaannadiina waxay sal-dhig qaynuun ka dhigteen Maraykanka taageeray, Ingiriiskaa taageeray, Talyaanigaa taageeray…waxaa sax ah oo qaynuunkii dhammaa lagu bedelay in laga fiiriyo dowladaha horumaray waxa ay ka qabaan waxa laysku qabto……cilladdaas waxay hor joogsatay inay dowladdu horay u ruqaansato, waxay  hor joogsatay inay yeelato qaab dowladeed iyo nidaam kala dambeyn iyadoo loo hoggaansamayo wixii lagu heshiiyay…..

 

Wax kasta oo dowladaha horumaray iyo ha’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa aan dowliga ahaynba oo dhex mara dowladda la dhisay waxaa si cad oo ula kac ah looga dan lahaa in hoos loogu dhigo awoodaheeda dowladnimo, tusaale wacan waxaa ahaa in lacagtii mushaarka ee xil-dhibaannada oo ay bixin jirtay UNDP-da loo diiday in loo dhiibo waziirkii maaliyadda laakiin loo soo dhiibay Af-Hayeenkii Barlamanka, oo maxaa looga jeedaana?!…..Af-Hayeenku ma wazaaraddii maaliyadda sarkaal ka socda, ma bankigii dhexaa, ma hay’ad lacag bixisaa…..wax kale ma ahayn, waxaa looga jeeday jaah-wareerin iyo inay isku qasmaan awoodaha golaha fulinta iyo golaha shacabka….

 

Waxaana khilaafkii beeleed ee Soomaalida u dhexeeyay lagu kordhiyay iyadoo laga faa’idaysanayo waayo aragnimo yaraanta xil-dhibaannada nidaam aan qornayan oo iska hor keenaya labada gole ee dowladda…..waxaa kaloo dowladihii taageerayay dowladda ay taageeradoodii u isticmaaleen inaan dowladdu la hadli karin hay’adaha aan dowlaiga ahayn oo qaarkood marar badan dalka ka samyniyeen dhaqamo aad u burburinaya mujtamacakuwaasoo marka lala hadlanna marar badan loo turjumayay in laga hor yimid Dimuqraadiyaddii, in laga imaaday xuquuqdii bini aadanka, in laga hor imaaday….

 

Waxaas oo dhan ma ahayn wax si kama ah u dhacayay, laakiin waxay ahaayeen wax qorshaysan, wax ay ka dambaydsay daraasad iyo faham ku salaysan sida ay u fekeraan nimanka hogaaminaya siyaasadda dalaka Soomaaliya….waxaa mararka qaarkood dhici jirtay ninka siyaasiga ah ama waziir ha ahaado ama xil-dhibaan ha ahaado inuusan garnayn ninka uu la ahdlayo shaqadiisa waxay tahay, inuu dowlad ka socdo iyo ka socdo shirkad gaar loo leeyahay, wax uu kala hadlayo inay wax khuseeya iyo in kale, waan ka xummahay inaan sida wax u cadeeyo laakiin waa waxa ay keentay habkii lagu saleeyay nidaamkayaga siyaasadda ee ahaa 4.5, kkaga daranee nin kasta oo siyaasi ah wuxuu wataa wiil ay qaraabo yihiin oo u turjumaya oo isaga laf ahaantiisa……

 

Waxay ina badeen waxay ina bareen baa ka darnaa! Dowladdii dhammayd waa is wada haystaa hadana nin gar-daran iyo nin gar leh midna kuma jiro!….bal u fiirso dabinta taala intay la egtahay, Cahdigii ku-meel-gaarka ahaa ka soo bilow madmadow badan baa ku jiray, markii horaba dowladda meeshii ugu muhiimsanayd baa laga xagal-daacshay!….si fiican fiiri dabeecadda dhagarta lagu sameeyay ummadda, dalkii xaaladdii dagaalkii iyo colaadihii hubaysnaa sidii hore way ka yaraadeen, hal dagaal baa socda oo ah midka u dhexeeya dowladda iyo Maxkamadaha……..dowladda waxaa lagu hayaa meel dhexe oo ah Ha DHiman, Hana Noolaan, waliba iyadoo is wada dhiibtay oo nin kasta oo siyaasi Soomaaliyeed ah uu noqday adeege dalalka shisheeyaha ah u adeega ama uu raadinayo dal ku adeegta.

 

War-baahinta reer galbeedkana waxay bilaabeen inay dowladda ugu yeeraan “Dowladda Taagta Daran” Cahdiga-Ku-Meel-Gaarka ah cidna kuma dhaqanto, xil-dhibaannadu in yar mooyee waxay ku gowracanaayeen Af-Hayeenka go’aanka uu rabo waayo meeshu dowladdu degtay baa waxay ahayd meel ay maamulaan ama sal-dhig u ah Qabqablayaashii Muqdisha ee ma ahayn meel dowladda ay gacanta ku hayso xil-dhibaannadana fikirkaas bay qabeen Af-Hayeenkana  SHariif Xasan wuxuu u dhaqmay sidii uu yahay xubin ka mid ah Qabqablayaasha Muqdisho, waxay marka arrintii  iska noqotay wax kasta oo laysku qabto in xeerarkii iyo wixii lagu soo heshiiyay aan wax lagu qaybsan ama aan lagu kala bixin ee looga kalsoonaado in dalalkii shisheeyaha garta loo dhiibto…..Mar Itoobiya…Mar Kenya….Mar Qarammada Midoobay amar iska soo rogto, wuxuu doono ha ahaado waa layska qaadanayaa!…….Xeerkiiba wuxuu ku soo dhammaaday Mar Itoobiya ha u yeerto oo go’aan ha u soo gaarto!….Mar Kenya ha u yeerto… Mar Djibouti ha u yeerto….. Mar Masar ha u yeerto…. Waxayba iska noqotay waan laysu sheeginee dowladaha shisheeyaha ah waxay idin gaaraan baa xeer iyo sharci idin ah!….

 

Maxaa samaysmay marka…madax-weynihii waxaa gashay cabsi uu ka qabo dowladihii shisheeyaha ahaa waayo golayaashiisa dowladda waxaa qaynuun agtooda ka ah waxay dadlka shisheeyaha ah u soo go’aamiyaan…..Damiirkii waa dhintay!….DHaqan aanan waligeed ina soo marin baa inoo bilowday!….Af-Hayeenkii, Ra’iisal-Wazaarihii, nin kasta wuxuu ka baqayaa dowladaha shisheeyaha ah qaynuun kale oo la ilaalinayo ma jiro….sida aad u  maqlayso Qodobkaas baa la jebshay, Qodobkaas baa laga leexday oo laysugu haysto baad hadana waxaad maqalaysaa Itoobiyaa dhamaysay…..dowladda Marykankaa sidaa tiri….Ingiriiska baa heshiisiiyay…..  dowladdi Soomaaliyeed waa tag daraysay, waxaana loo soo maray Shariif Xasan Shiikh Aaadan oo si cad ula saftay Qabqablayaashii Muqdsiho ee dowlad diidka ahaa!……Moi taladiisii baa laynagu socodsiiyay! Waliba annagoo og….

Beri la soco….

PUNTLAND POST