Warark alaga helayo Gobolka Gedo ee Koonfurta wadanka Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen duqeeymo la la eegtay fariisimo kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka Deegaanka Ceel-Cade ee Gedo .
Duqeeymahaan oo ay fulinayeen Diyaaradaha dagaal ee dowlada Kenya ayaa waxa ay la bartilmaameedsanayen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaankaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Xasan oo lahadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeeymahaasi la la eegtay maleeshiyaad katirsan kuwa Al-Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab qasaare badan ay ka gaartay duqeeyntaasi oo sidii roobka ugu socotay deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo.
Diyaaradaha dowlada Kenya ayaa duqeeyn la eegtay fariisimaha kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka&Gedo ee koonfurta wadanka Somalia.
Al-Shabaab ilaa iyo iminka kama hadlin duqeeyntaasi iyo haddi ay jirto qasaare ka soo gaaray Ciidamadooda.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah