
Istambul-(Puntlandpost)-Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ka soo muuqday magaalada Istambul isaga oo diiday in uu wax afgambi ah ka dhacay dalkiisa.
Ciidammo hubaysan ayaa markii hore sheegay in ay la wareegeen xukunkii.
Waxaase la arkay Madaxwaynaha oo ay ku hareeraysan yihiin taageerayaal soo dhawaynaya.
Isaga oo si toos ah uga hadlay Telefeshin ayuu sheegay in isku dayga afgambigu uu yahay “khayaano qaran”.
Erdogan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag.

Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay “nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi”.
sarkaal dawladda u hadlay ayaa sheegay in 90 ruux la dilay oo ay ka mid yihiin 47 shacab ah, 1154 ay dhaawacmeen.
Dawladdu waxay sheegtay in ay xidhay 1500 oo ka mid ah millatariga dalkaas kuwaas oo ka mid ah kuwa afgambiga ka dambeeyay.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim, ayaa sheegay in xaaladda dalka ay “inta badan gacanta ugu jirto dowladda” kaddib markii ay qeyb ka mid ah milateriga sheegeen in ay la wareegeen xukunka dalka.
Wuxuu amray in la soo rido diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay adeegsanayaan dadka doonaya afgambiga.
Waxaa hadda hawada dib ugu soo laabtay telefishinka ay dowladda leedahay ee TRT, kaasoo ay ciidanka gadoodsan ka jeediyeen fariintooda. Weriyaha warka baahisay ayaa sheegtay in qori lagu hayay marka ay akhrineysay.

Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe