Wasaradda Waxbarashada & Tacliinta sare Oo Maanta Shaacisay Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare Ee Puntland

Garowe-(Puntlandpost)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2016, si rasmi ah u shaacisay Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare ee Sanad dugsiyeedka 2015-2016 ee Puntland, kaas oo si rasmi ah uga qabsoomay guud ahaan gobolada Puntland ayna ka qaybgaleen Seddex kun iyo Seddex boqol oo arday (3,300) oo wiilal Gabdho iskugu jira.

Munaasibad Ballaaran oo lagu soo bandhigayey Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare ee Puntland oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda ee magaalada Garoowe, waxaa ka qaybalay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Proff. Abshir Aw-yuusuf Ciise, Wasiir ku xigeenka   Dr. Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka, Macallimiinta Imtixaanka saxayey, iyo maamuleyaasha Dugsiyada sare ee Puntland.

Imtixaanka oo mar xalado kala duwan soo maray islamarkaasina uu ku baxayo dhaqaale fara badan oo Nus-malyuun doolar gaaraya ayay wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay saxday 15-kii illaa 25-kii bishii hore ee Juun, ugu dambayntiina maanta ayaa lasoo bandhigay Natiijada rasmiga ah.

Ugu horrayn Munaasibadda waxaa ka hadlay oo faah faahin ka bixiyey imtaxaanka iyo marxaladihii uu soo maray Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ee wasaaradda waxbarashada Axmed Saahid oo ku dhawaaqay Natiijada.

Halkaan hadalkiisa ka dhageyso.

Waxay wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare qirtay in sanadkaan ay ardayda dugsiyada sare ee Puntland aad ugu liiteen Maadooyinka Cilmiga sida Sayniska iyo Xisaabaadka oo wasaaraddu ballanqaaday in dib xoogga loo saari doono si bulshadu u noqoto mid caalamka la jaan-qaadi karta.

Halkaan ka dhageyso hadalka Agaasimaha Guud.

Wasiirka waraasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yusuf Ciise oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada Imtixaanka ayaa hambalyo u diray waalidiinta iyo ardayda dadaalka soo galay waqtiga dheer waxaana uu u rajeeyey dhammaan ardayda guul isagoona sidoo kale ugu baaqay kuwa ku dhacay Imtixaanka inaysan waxbarashada ka niyad jabin, halka kuwa guulaystay uu u sheegay in ay wali bartamaha uga jiraan halgankooda waxbarasho.

Halkaan ka dhageyso hadalka wasiirka.

Halkaan Hoose ka Akhriso natiijada Imtixaanka Iyo Tobankii Arday ee Ugu Saraysay.

1 2 3 4 5

IMG_0134 IMG_0141 IMG_0146 IMG_0150 IMG_0159 IMG_0163 IMG_0164 IMG_0166 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0190 IMG_0198 IMG_0229 IMG_0233 IMG_0235 IMG_0248 IMG_0260 IMG_0277 IMG_0290

Kayse Muse ALi 

Puntlandpost

Garowe