Tababar Aqoon Kororsi ah Oo Ay Ka qeybgaleen Dhamaan Wakiilada Shirkadda IFTIN Group ee Gudaha iyo dalka Dibaddiisa ayaa lagu soo gabagabeeyay magaaladda Bosaso.
Tababarkan oo mud Afar maalmood ah socday Waxyaabaha ugu Badan ee lagu baranayay waxaa Kamid Ahaa Sare u qaadida Tayada Shaqaalaha IFTIN Ee Goboladda Dalka iyo Qaabka Ugu Haboon ee Loo Xadadi Karo Internet-ka Ay Ku Shaqeynayso Shirkaddu.
Maxamed Jaamac Ganey Oo Ah Maamulaha Shirkadda IFTIN Group ee Puntland ayaa u Mahad celiyay Dhamaan Shaqaalah Shirkadan Iftin Oo Hab wanaagsan Oga faa’ideystay Mudadii uu Socday Siminaarkaani,
Eng. Cabdi salaan Maxamed Axmed Oo Ah Madaxa System-ka Ama Nidaamka Shaqo ee Ay Ku Shaqeyso Shirkada, Bixinayayna Siminaarkaan ayaa Sheegay In Howshoodu ay si Guul Ah Ugu Soo Dhamaaday.
Qaar Kamid Ah Masuuliyiinta Shirkadda IFTIN Group oo Ka faa’deystay Mudadii uu socday Aqoon Kororsigan ayaa U Mahad Celiyay Macalinkii Bixinayay Tababarkan, Waxanna Ay Sheegeen inuu Wax weyn ka badalayo Shaqada uu Bulshada u Hayo Bangiga iyo Xawaaladda IFTIN.
Ugu Danbeyna Siminaarkaan ayaa waxaa Soo Xiray Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo, Oo Goobta Ka sheegay in IFTIN Group Ay Door Muuqda Ka qaadatay Adeega xawaaladeed ee Caalamka, Uuna Ku Amaanay Howlkarnimadooda,
IFTIN Group Ayaa Xarumo kala duwan ku leh Daafaha Caalamka, Waxaanna Ay Magaalooyin Kamid Ah Somaliya ay ka Hirgalisay Dhismooyin iyo Goobo Casri ah Oo Ay Ku Shaqeeyaan Bangiga iyo Xaawaladda Iftiin
Mana Ahan markii Ugu Horeysay ee Aqoon Kororsi Sidan oo kale ah Loo Sameeyo
Shaqaalah Shirkadda IFTIN Groub ee Isaga Kala Yimaada Deegaanada Somaliland, Puntland, Wadamadda Yurub, Mareykanka, iyo Goboladda Koonfurta iyo bartamaha Somaliya.