PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Wasarada Amniga Puntland oo go’aan kasoo saartay Itoobiyaanka alaabta ku wareejiya xaafadaha

Share

Garowe(Puntland Post) Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa mamnuucday Itoobiyiinka maacuunta ku wareejiya xaafadaha magaalooyinka Puntland kuwaasoo ay Soomaalidu u taqaano Badal-badal.

Wasiirka Amniga Cabdi Xisri Cali (Qarjab) oo ayaa la waydiiayy siday ula socdaan dhaq-dhaqaaqa Badal badalka Itoobiyaanka ee ku dhex wareega xaafadaha magaalooyinka waa weyn, wuxuu sheegay inay la socdaan dhammaan socodkooda.

Qarjab wuxuu sheegay inay maanta ka dib mamnuuc tahay ganacsiga soconaya sida kan badal badal kaasoo uu sheegay inuu caqabad ku yahay ganacsiga dadka Soomaalida ah ee fadhiga ku ganacsada, wuxuuna sheegay inay badal badalka wax wareejiya u arkaan laamaha wax sahmiya ayna u amran inay inay tilaabo ka qaadaan laamaha ammaanka ee magaalooyinka Puntland.

Dadka u dhashan wadanka Itoobiya ee kusoo qul-qulaya deegaanada Puntland ayaa intooda badan ku shaqaysta nidaam ka duwan dadka kale ee ka yimaada deegaanada Koonfurta Soomaaliya, waxay wareejiyeen maacuun laga keenay Itoobiya iyagoo dadka kaga badasha dharka ragga ee duugoobey.

Nidaamka Badal-badal ayay dadku u arkaan inay tahay mid basaas ah oo dowladda Itoobiya ka danbeyso, halka qaarkood dadka shacabka ahi aamin san yihiin inay yihiin ragga badal badalka saraakiil Itoobiyaan ah.

PUNTLAND POST

2 comments

  1. Qashinka layska xooro oo ay warshad marlabaad galiyeen oo si degdega ruujimo unoqon yeysan Amxaaradu soo galin Puntland.
    Mida kale waa ciidan Amxaaro waxa wareegaya dalka

  2. Anniga oo ah dr.jama Ahmed Alihashi geelle guure magan s….kh….f……sh….. Ayaa halkaan waxa aan ka caddaynaynaa in u jeedada badal badal ka aay tahay labadaan qodob iyo wixii la’halmaala mgrteen walaalayaal:- 1. Badal badal ku waa dad juses ama crestian ah mgrten wllyl oo kasoo jeeda qoomiyada looyaqaan tigree ee ilkaha qor qoran leh iyo calaamadaha kala duwan oo qayb waa cawwaam aan waxba caabudin qaybta kalana waa kuwo caabuda dhagaxa, lo’da, eeyda, biyaha, qorraxda, dhulka. Cirka. Iwm…. Oo u jeedkoodu waa in aay laayaan dadka looyaqaaan Oromada iyo soomaalida oo waddanka sibiq sibiq ula wareegaan mgrten wllyl. 2. Qoddob kaanna waa in soomaaliya oo dhan la’ kala goo gooyo. Oo la’isku diro. Oo xuduudo lookala yeelo oo inta yar ee u soo hartana aay ka mid noqdaan killinka shanaad mgrten ee waxa aay ka naxaan markii aay arkaan afar askari oo soomaali ah oo dhisan oo wada socota ayey soo xasuustaan 77kii iyo casharkii looo dhigay geyigooda iyo soomaali mid ah ee aan ahayn qabiil qabiil iyo gobol gobol iwm.

Leave a Reply