Istanbul-(Puntland Post) Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magalada Istanbuul ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay sababta Puntland uga soo qayb gali wayday madashan heerka sareeya ee arrimaha Siyaasada dalka iyo doorashada looga hadlayay.
Isagoo arrintaasi ka jawaabaya ayuu sheegay in Puntland maqnaashaheeda ka xun yihiin balse ay ku maqan taahy arrin siyaasadeed ”maqnaashaha Puntland aad iyo aad ayaa uga xun nahay, sababta ay reer Puntland uga maqan yihiin shirka waa arrin siyaasadeed, waan isku daynay Puntland inaan qancino, inta badan shirka waxaa laga hadlayay horumarka dalka”.
Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu sheegay inay la fariisan doonaan Puntland isla markasna ay tagi doonaan laga dhagaysan doono tabashooyinkooda la xiriira doorashada dhammaadka sanadkan 2016.
Puntland oo qayb ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan raali ka ahayn in doorashada lagu saleeyo nidaamka 4.5, kaasoo ay sheegeen inuusan horumar muuqda dadka Soomaaliyeed gaarsiin karin.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Puntland loogu qancin lahaa ka qayb qaadashada doorashada soo socota, mana jirto isi soo dhowaansho labada dhinac u dhaxeeya.
PUNTLAND POST