Istanbul-(Puntland Post)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka fumaya shir looga hadlay maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya,waxaa ka qayb gali doonta ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo u dhashay dalka Turkiga.
Wasiirka Ganacsiga dowladda fadaraalka oo ka qayb galaya shirka ayaa rajo ka muujiyey,waxaa uuna sheegay inuu yahay mid ahmiyad weyn u leh ganacsiga Soomaalida.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono ganacsiga Soomaalida iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkigu u maalgashan lahaayeen.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galaysa ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay kasoo baxaan qodobo wax ku oola oo lagu hormarinayo ganacsiga dalka.
PUNTLAND POST