Garowe-(Puntland Post)- Arday kor u dhaafaysa 43 Arday ayaa ka qalin jabisay machadka Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ee magaalada Garowe,waxaana shalay galab xaflad qalin jabin ah loogu qabtay xarunta machadka.
Wasiir waxbarashada,ku xigeenkiisa,gudoonka waxbarashada gobolka Nugaal,maammulka Jaamacadda bariga Afrika iyo kan machadka ayaa ka qayb galay.
Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyey Ardayda,iyagoo u rajeeyey Mustqabal wanaagsan,wasiirka waxbarashada iyo ku xigeenkiis ayaa ku amaanay machadka da daalka waxbarasho ee uu galiyey in dad badan ay la qabsadaan Jaamacadaha oo markii hore aan haysan fursadan.
Sedexdii arday ee kaalimaha ugu saraysa galay ayaa la gudooonsiiyey abaalmarino,sidoo kale waxaa la qiimeeyey macalimiinta iyo siday wax u dhigaan, waxaana goobta lagu gudoonsiiyey abaalmarino.
Ardayda ka qalin jabisay Machadka Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaana ayaa ah dufcadii 3 aad ee ka baxda,waxayna ku biiri karaan Jaamacadaha ku yaal gudaha dalka.



























































Sawirro.
PUNTLAND POST