Guddiga loo xil saaray xalinta NUSOJ oo maanta warbaahinta la hadlay

Muqdisho-(Puntland Post)-Guddiga ay warbaahinta qaarkeed u xilsaartay khilaafka ka dhextaagan Ururka NUSOJ ayaa maanta la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen inay la kulmeen labada dhinac ee muranku ka  dhexeeyo.

Waxay sheegeen in mid walba ay la hadleen, iyagoo tilmaamay in xal kama dambeys ah ka gaareen arintaas,inkasto xalka ay isla gaareen warbaahinta la wadaagin.

Ururka NUSOJ ayaa ukala qaybsan labo garab oo ay xog hayayaal ukala yihiin Maxamed Bakistaani iyo Cumar Faaruuq waxaa uuna mid walba sheeganayaan inuu yahay xoghayaha saxda ah ee NUSOJ.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka mid ah gudigaas ayaa sheegay in garabyada NUSOJ ee isla khilaafsan ay la kulmeen oo ay natiijo wanaagsan ka gaareen arintaasi, wuxuuna ka codsaday Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamka ee taageera saxaafadda in arintaas ay ku taageeraan.

Magaaalada Garowe waxaa saaka kulan ku yeeshay Mulkiilayaasha warbaahinta qaarkood,Agaasimayaasha iyo wariyayaasha waxayna kawada hadleen in xal laga gaaro arinta NUSOJ, qaarkood waxay sheegeen in hadii xal laga gaari waayo khilaafka NUSOJ ay warbaahinta Puntland isku tashato.

PUNTLAND POST.