Madaxwaynaha Puntland oo saaka kasoo anbo baxay magalada Bosaso

QARDHO-(PUNTLAND POST) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa saakadii hore kasoo anbo baxay magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Beri isagoona kusoo wajahan magalada Garowe.

Gaas iyo masuuliyiinta la socota ayaa saacadaha soo socda kusii sugnaan doono magalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar halkaasoo uu kulamo kula yeelanyo mamulka gobalka kan degmada iyo waxgaradka bulshada.

In-kastoo socdaalkan deg deg ah ee uu madaxwayne Gaas ku imaanayo magalada Garowe la shaacin haddana wararka soo baxaya ayaa sheegaya inuu la xiriiro arrimaha doorashadda Soomaaliya maadama dowladda dhexe ay sheegtay in la qaatay nidaamka 4.5 kaasoo Puntland ay weli diidan tahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke kana kooban dowladda iyo beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay Garowe yimaadaan kuwaasoo weli raadinaya xal lagu qanciyo Puntland oo weli banaan cidlo ah ka taagan in nidaamka qabiilka lagu saleeyo soo xulsita Xildhibaanada cusub.

Siyasiyiin reer Puntland ah ayaa madaxwayne Gaas ugu baaqay inuu balaarinayo dooda ah in laga wada tashado nidaamka qabiika ee doorashada soo socota lagu saleeyay.

PUNTLAND POST