Kismaayo-(Puntland Post)-Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay duqaymaha la sheegay in Kenya ka gaysatay gobolka Geddo gaar ahaan deegaanka Ceel-cadde oo dadka deegaankas sheegeen inay dad iyo duunyaba laayeen ciidamada Kenya.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inaysan jirin wax duqayn ah oo ciidamada Kenya ka gaysteen deegaanka Ceel-cadde.
Dadka qaarkood oo ka qaxayey meelaha deegaankaas u dhow ayuu sheegay in ka cararayeen dagaalka Alshabaab iyo ciidamada AMISOM, balse aysan ka qaxayn duqayn Kenya kawado deegaankaas.
Odayaasha deegaanka ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay duqeeyeen deegaanka oo xoolo iyo dadba ku laayeen, sidoo kale gudoomiyaha degmada Garbahaaray oo deegaanka Ceel-cadde hoostago Sheekh Nuur Maxamed Buraale oo la hadlay VOA-da waxa uu sheegay in ciidamada Kenya duqaymaha ku dileen todobo qof.
Shacabka gobolka Geddo gaar ahaan deegaanada laga soo sheegayo duqaymaha waxay dowladdu ku dhaliileen inay fiirsanayso maatada la laynayo,Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa markaas sheegay inay guddi u saareen duqaynta laga soo sheegayo ciidamada Kenya.
Tan iyo markii ciidamada Kenya lagu weeraray Saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde waxaa soo baxayey cabashooyin shacabku ka muujinayeen ciidamada Kenya,waxayna markii dambe sheegen inay duqayn ka bilaabeen deegaanka oo ay isaga baxeen.
PUNTLAND POST.