Dowladda Fadaraalka oo mudo 21 cisho joojisay duulimaadkii Muqdisho iyo Hargaysa

Muqdisho-(Puntland Post)-Dowladda fadaraalka Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii diyaaraha kala aadi jiray Muqdisho,Hargaysa iyo Bar bera,waxayna sheegtay inay ka bilaamayso 22-ka bishan Febraayo.

Taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamuud Gaafow oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay joojiyeen diyaaradihii ukala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho,Hargaysa iyo Bae bera isagoo sababta ku sheegay in Soomaaliland dadka aada Magaalooyinkeeda ay ka qaado lacago badan,wuxuuna xusay in joojinta ay dowladdu fadaraalku uga gon leedahay si shacabka looga joojiyo lacagahaas.

Gaafow waxa uu tilmaamay inay la kulmeen Shirkadaga duulimaadyada Muqdisho,islamarkaana kala hadleen arintan ay dowladdu soo saartay, oo aysan uduuli karin magaalooyinka Soomaliland.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay shacabka waydiiso warqado dal ku gal, kadibna lacago badan laga qaato,si taas looga gudbo ayuu carabaabay in duulimaadkii diyaaradaha mudo 21 cisho ah hakad la galiyey.

Hadalka Gaafow ayaa kusoo aaday xili maalmahan uu u dhaxeeyey dowaldda fadraalka iyo Soomaaliland muran ku saabsan warqad la sheegay inay Soomaliland ku dal banaysay in dowaldda fadaraalku ka furato Xafiis laanta Socdaalku leedahay,inkastoo Soomaaliland beenisay.

PUNTLAND POST.