Dallada Mudan oo dhalinyaradda G./Nugaal kulan muhiim ah ugu qabatay magalada Garowe

8GAROWE(Puntland Post) Dallada Dhalinyarada ee Gobolka Nugaal ee MUDAN oo kaashaneysa Hay’adda Mercycrop /USIAD ayaa soo qanabqaabisay kulan labo Maalmooda haa oo looga hadlayay baahiyaha iyo caqabadaha hor taagan dhalinyaradda Gobalka.

Xildhibaano, siyaasiyiin iyo mamulka degmada iyo kan Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale kulanka kasoo qayb galay kuwaasoo hadal u jeediyay dhalinyaradda oo ragg iyo dumar isagu jiray.

Dhalinyaradda waxay soo saareen afar qodob o ay ku tilmaameen inay caqabad tahay kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqo la’aan, tahriibka, meelo ay dhalinyaru ku kulanto oo aan jirin iyo ka qayb gal la’aanta arrimaha siyaasadda Puntland, waxayna soo jeediyeen inay xaq u lee yihiin in fursado la siiyo si ay mamulka dalka qayb uga noqdaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland, ayaa soo dhaweeyey kulanka wuxuuna balanqaadey in ka wasaarad ahaan ay dardargalin doonaan dib u eegista Siyaasadda dhalinyarada Puntland. cabashada dhalinyaradda ay soo jeediyeen ayuu sheegay inay tahay kuwo jira, dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay ahmiyad siiso dhalinyarada lagana qayb galiyo shirarka siyasadeed.

Xildhibaan Abshir Axmed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland aya dhalinyarada ku booriyay inay dalkooda joogaan oo aysan meelna ka aadin, waxa kale uu sheegay in dhalinta looga baahan yahay inay ku kalsoonaadaan dalkooda,wax bartaan isla markasna ka qayb gallaan fursadaha dalka gudahiisa ka banaan ee laga cararayo, waxa uu tusaale usoo qaatay dalka Shiinaha oo uu sheegay inaysan jirin dhalinyaro xafiisyo fadhiya balse ay ku tartamaan xirfadaha gacanta iyo wax soo saar cusub.

Cabashada dhalinyaradda ay soo jeediyeen ayuu sheegay inay tahay kuwo jira, dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay ahmiyad siiso dhalinyarada lagana qayb galiyo shirarka siyasadeed.

Dallada MUDAN oo kaashaneysa Mercycrop /USIAD waxay bishii lasoo dhaafay kulamadaan oo kale kasoo qabatay Goboladda Karkaar. Bari Sanaag iyo Mudug, waxayna sheegeen in dhamaan Caqabadaha iyo baahiyaha dhalinyarada laga soo aruuriyey lagu soo bandhigi doono Shirweyne guud oo lagu qaban doono Caasimadda Puntland ee Garowe si loogu Qareemo dhalinyarad Puntland loona helo siyaasad cad oo lagu hagayo arimaha Dhalinyarada.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15
PUNTLAND POST