GAROWE-(Puntland Post) Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa taageeru u muujiyay go’aankii uu madaxwayne Gaas kaga hor yimi qaadashada nidaamka qabiilka 4.5, kaasoo lagu go’aamiyay in aqalka hoose 2016 lagu saleeyo.
Shire waxa uu sheegay inay caqabad tahay nidaamka qabiilka horumarka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay fashilmeen madaxda dowladda dhexe maadama laga gudbi waayay nidaamka qabiilka oo horay looga heshiiyay.
Faarax Cali Shire ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay xoojiyaan diidmada ay ka muujiyeen nidaamka 4.5 kaasoo uu sheegay haddaan maanta laga hor imaan uusan dhaqan gali karin nidaamka deegaanka.
Puntland oo kaliya ayaa diiday nidaamka 4.5 kaasoo beesha caalamku ku cadaadisay madaxda mamuladda iyo dowladda dhexe in go’aan laga gaaro doorashada 2016, madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka mid ahaa masuuliyiintii horay u diidanaa nidaamkaasi balse sheegay in beesha caalamka ku cadadisay in la qaato nidaamkasi saasna lagu go’aamiyay.
Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole oo maalin ka hor shir jara’id ku qabtay magalada Garowe ayaa dhaliil usoo jeediyay madaxwaynaha Soomaaliya, wuxuna sheegay inuu jabiyay heshiis-yadii horay loo galay wuxuna tilmaamay inuu xaaraan yahay nidaamka qabiilka.
PUNTLAND POST