Somaliland oo iska fogeysay inay qayb ka tahay shirkii Muqdisho ku fashilmay

23D10B70-0787-4FD1-ABE0-E7A358317845_mw1024_s_nHARGEYSA-(Puntland Post) Mamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa ka biyo diiday inay ka mid yihiin Soomaaliya inteeda kale, ka dib markii go’aankii kasoo baxay dowladda Federaalka ee Muqdisho lagu sheegay in xubno dheeraad ah mamulkaasi laga siiyay aqalka sare ee odayaasha.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay yihiin dowlad ka madax banaan Somalia inteeda kale isla markasna ay ceeb ku tahay dowladda Federaalka inay sheegato, waxa kale uu sheegay inay u wada hadleen Soomaaliya sidii labo dowladood oo kale.

Dhinaca kale Warcadde ayaa wax laga waydiiyay dadka Somaliland ku nool ee la raafacayo wuxuna sheegay inaysan wax kale jirin balse ay tahay in sharci lagu soo galo dhulkooda loogana boxo, wuxuna tilmaamay inay lee yihiin Baasaboor kaasna uu yahay sharci in la qaato, waxa kale masuulkani la waydiiyay in madaxda Somaliland ay ku dhoofaan baasaboorka Soomaaliya wuxuna sheegay inay been tahay oo ay kooda caalamku aqoon san yahay.

PUNTLAND POST