MUQDISHO-(Puntland Post) Wasiirka koowaad ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa difaacay go’aankii laga soo saaray Muqdisho ee nidaamka 4.5 loogu saleeyay in lagu soo xulo Baarlamaanka cusub, xilli Puntland ay ka biyo diidan arrinkaasi.
Sharmarke oo la hadlay saaka VOA,ayaa sheegay inay dantu keentay in mar kale Baarlamaanka lagu soo xulo hab qaybsiga beelaha ee loo dhigay afar dhibic shan, maadama buu yiri xilligan aysan munaasib ahayn in deegaan laga dhigo taasoo ay ka dhalan karto xasilooni daro iyo is-qab qabsi, wuxuna difaacay go’aankooda.
“Waxaan anaga ka dowladda dhexe ahaan is tusnay in hadii maamul lagu saleeyo awood qeybsiga xukuumada soo aadan ay keeni doonto xasilooni darro hor leh, ma dooneyno in dalka aan ka dhigno sida Ciraq ama Afghanstan, sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira koob ah oo laga sameyey dalka.” ayuu yiri Ra’isulwasaaraha.
Nidaamka qabiilka oo horay u diidanaayeen mamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa hadda waxaa go’aanka ka dhanka ah kusoo aruuray Puntland oo sheegtay nidaamkaasi inuusan ahayn mid horumar gaarsiin kara dadka iyo dalka.
Wafdi ka socda dowladda dhexe oo uu hoggaaminayo Ra’siiul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa kusoo wajahan Puntland kuwaasoo doonaya inay mamulka Gaas ku qanciyeen qaadashada nidaamka 4.5, taasoo aan la ogayn inay Puntland yeeli doonto iyo in kale.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxman Farole, Faarax Cali Jaamac iyo Cali Xaaji Warsame ayaa si isku mid ah uga hadlay nidaamka 4.5 oo Baarlamaanka lasoo dhisayo lagu saleeyay waxayna ku tilmaameen go’ankii uu Gaas ku diiday inuu ahaa mid geesinimo leh.
PUNTLAND POST