Garowe-(Puntland Post) Wariyayaal ka kala yimi Bari,Mudug, Sool iyo Cayn ayaa mudo saddex beri ah tababar la xariira xaquuqul aadanaha uga socday xarunta UNSOM ee magalada Garowe, kaasoo ay soo qaban qaabisay xafiiska xaquuqul aadanaha ee xaruntan.
Tababarka oo ay qayb ka ahayd ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa maalmihii uu socday waxay wariyaasha ku qaateen daruus kala duwan oo salka ku haysa diinta islaamka waxay ka tiri xaquuqda aadanaha, baaqyada caalamku isku raacay ee aadanaha la xariira iyo sida loogu baahan yahay warbaahinta Soomaaliya inay dowrkooda uga qaadato.
Masuuliyiin ka socdey UNFPA, UNICEF iyo Qaraan Siciid Axmed Faarax ayaa casharada bixinayay waxayna iftiimiyaan xeerarka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha iyo kala saarista tacadiga iyo dambiga.
Xiritaankii tababarka waxaa kasoo qayb galay madaxa UNSOM ee Puntland Mr.Evan Buwala, iyo madaxa xafiiska xaquuqul aadanaha UNSOM Garowe Mr.Axmed Suleybaan.
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre ayaa wariyaasha tababarka kasoo qayb galay kula dardaarmay inay dib ugula laabtaan aqoonta ay halkan ka faa’iideen xarumahooda, waxaa kale uu sheegay inay muhiim tahay warbaahinta inay mar kasta cadaalada ka shaqeeyaan oo ay ogaadaan waxa uu yahay xaquuqul aadanaha iyo dambiga.
Madaxa xaquuqul aadanaha ee UNSOM, Axmed Saleebaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay saddexda maalmood tababarka ay wariyaasha ku qaateen Garowe, waxa kale uu sheegay UNSOM inay fursad u tahay la kulanka wariyaasha ka yimi gobaladda maadama ay inta badan ka shaqeeyaan xogaha arrimaha xaquuqda aadanaha.
Madaxa UNSOM Puntland Evan Buwala oo hadal kooban xiritaanka tababarka kasoo jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka wariyaasha iyo UNSOM ku dhexmaray Garowe, kaasoo qaybtiisana tahay tababarka xaquuqda aadanaha waxa kale uu sheegay inuu noqon doonto kulankiisii ugu danbeeyay maadama uu waqtigiisii dhammaaday, balse saxaafada ayuu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan inay dadaalkooda sii labo-laabaan.
Axmed Muuse Cali (Jooker) oo ku hadlayay afka wariyaasha tababarka kasoo qayb galay ayaa ka mahad celiyay casharada uu qaatay kuwaasoo uu cadeeyay qaarkood inuusan horay u arag balse wax badan uu fahmay, waxa kale uu sheegay in wariyaasha kale Puntland tababaradaan oo kale la siiyo.



























PUNTLAND POST