Muqdisho (Puntland Post) — Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Ilalah ha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka arrimaha warfaafinta.
“Inna Lillaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun. Allaah ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu naftiisa iyo waqtigiisa u huray in uu u shaqeeyo ummaddiisa illaa ay geeridu uga timaaddo. Waxa uu ahaa hawlkar waddankiisa wax badan u qabtay, taariikduna xusi doonto. Ilaahay waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdawsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo’’, ayuu yiri madaxweynaha.
M/Weynaha: “Marxuum Cabdi Xaaji Gobdon waxaa uu ahaa hawlkar dalkiisa wax badan u qabtey, taariikhduna xusi doonto’’ pic.twitter.com/4hbflVtty2
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) January 26, 2016
Marxuum Goobdoon, oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxa uu ahaa ruugcaddaa dhinaca warfaafinta ah, waxana uu soo noqday afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, agaasimaha guud ee wasaaradaha warfaafinta iyo shaqada, cayaaraha iyo arrimaha bulshada, waxana uu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii lagu aasaasay laanta Afka Soomaaliga ee Raadiyow Moosko.
Allaah ha u naxariistee marxuumku waxaa uu waqtiyadan dambe ku hawllanaa dib u soo noolaynta iyo tayeynta warbaahinta Soomaaliyeed, isaga oo xubin ka ahaa Akademiyadda Dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.