Muqdisho-(PuntlandPost) Shirka madaxda mamulada dalka iyo Dowladda Federaalka uga arrin sanayaan doorashada 2016 nooca lagu wajahyo ayaa galabta ka furmay xarunta madaxtooyadda ee magalada Muqdisho.
Shirka oo horay loogu balamay in Muqdisho lagu qabto ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo dalka maanta dib ugu soo laabtey madaxwaynayaasha mamuladda jira, ururadda rayidka iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.
Ahmiyadda kulankan oo maalmaha soo socda socon doona ayaa salka ku hayo sidii ay madaxda Soomaalidu iskugu raaci lahaayeen go’aan mideysan oo doorashada lagu wajaho halka ay weli soo baxayaan kala aragti duwanaan mamulada u dhaxaysa.
Madaxwaynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud oo shirka furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wax macquul ah soo bixi doonaan, waxaa jirta cadaadis xagga beesha caalamka ka yimi oo madaxda lagu qasbay inay go’aan gaaraan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya iney macquul tahay in mamulada iyo dowladda dhexe isku raacaan in aqalka hoose lagu saleeyo nidaamka qabiilka 4.5 halka aqalka sarena laga dhigay deegaan.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa horay u sheegay in Puntland aysan qaadin karin nidaamka 4.5, maadama aragtiyo laga aruurshay 600 oo qof isku raaceen in doorashada lagu saleeyo nidaamka deegaanka sida horayba loogu heshiiyay.
PUNTLAND POST