Garowe-(Puntland Post) Tabobar ku saabsan xuquuqul Insaanka ayaa 25 saxafi oo reer Puntland ah uga furmay xarunta UNSOM ee Garowe.
Tabobarkan waxaa soo qaban qaabiyay waaxda Xuquuqda Insaanka ee Hay’adda UNSOM iyo ururka MAP, wuxuuna socon doonaa muddo 3 casho ah, iyadoona wariyaasha kasoo qayb galay la bari doono casharo baaxad leh oo kusaabsan xuquqda Insaanka iyo baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Ku simaha madaxa hay’adda UNSOM Evan Bwala ayaa ugu horayn halkaasi kalmado ka jeediyay wuxuuna ka hadlay ahmiyadda casharadan xuquuqda Insaanka, wariyaasha ayuu ku booriyay inay si wanaagsan daruusta ula socdaan.
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland (MAP) Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay muhiimadda ay suxufiyiinta u lee dahay inay xog badan ka helaan arrimaha xaquuqda aadanaha iyo baaq-yada la xariira xaquuqda bini’aadamka, waxa uu wariyaasha ku booriyay inay waqti badan galiyaan sidii casharada la barayo dib ugu dabiqi lahaayeen shaqooyinkooda maalintii.
Dhinaca kale Agaasimaha wasaarada Warfaafinta Puntland Mawliid Abuukar Abkeey ayaa si rasmi ah tababarkau furay, waxa uu sheegay inay wax wanaagsan ka sugayaan inuu tababarkan kasoo baxo sidoo kale waxa uu sheegay inay farxad u tahay wasaradda warfaafinta in wariyayaal ka kala yimi gobaladda Puntland qaarkood ay Caasumadda ku sugan yihiin.




































Puntland Post