Sheekh Shamsadiin makaawi oo Lacag loo soo wakiishay ku Wareejiyay Hooyo Mudo Xanuusanaysay

Boosaso-(Puntland Post)- Waxaa Maanta Lacag kabadan $15 kun oo Dollar lagu wareejiyeey Maamo oo mudo badan ku Xanuunsanayd Boosaaso iyado lugta Bidix ay ku dhawaatay in la jaro balse uu usoo Gurmaday sheekh Shamsi diin Makaawi oo ah Muwaadin somaliyeed kaas oo Bulshada somaliyeed Bartiisa Facebook usoo dhigay dhibka qabsaday Maamadan oo Ah maamo danyar.

Cisbitaalka Daryeel ayaa mudo dhowr Bilod ah lagu dabiibayeey iyadoo Maanta Lacagta walaalaha somaliyeed soo dhibeen lagu wareejiyeey Maamo xaliimo oo Runti laga dhaheen karay Cafimaad Maadama umadda somaliyeed ay usoo wakiisheen lacagtaas Muwaadin sheekh shamso diin Makaawi oo isago u istaagay garab istaaga maamada madama manta si rasmi ah Cisbitaalka looga saaray Maamada.

Sheeekh shamsodiin Makaawi oo lacagtan kabadan $15 kun losoo wakiishay ayaa sheegay inay Maamo Xaliimo kasoo qadeen Meel sandaqad ah iyado an socon karin oo lugta laga quustay Balse Maanta uu ku Faraxsanyahay in ay meesha kabaxdo iyadoo Cafimaad qabta lacagna uu ku wareejinayo usoo dhibeen walalaha somaliyeed.

Maamo Xaliimo oo dhinaceeda Saxaafadda la Hadashay ayaa sheegtay inay umadda somaliyeed u mahadcelinayso sida wanagsan ay lacagta ugu soo dhibeen iyado sido kale u Mahadcelisay Dhaakhtirta Cisbitaalka Daryeel Boosaaso.

Maamulada Cisbitaalka Daryeel oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ku Faraxsanyihiin in Maanta Maamo Xaliimo oo Cafimaad qabta ay kabaxdo Cisbitaalka wuxuuna sheegay inay u dadaaleen.

Mid kamid ah dhakhtirta Cisbitaalka oo kamid ahaa Dhakhaatirka Daweynayeey Maamada ayaa sheegay in loo keenay iyadoo Aad u Xanuusanaysa Balse Hadda ay kabaxayso Cisbitaalka iyadoo Cafimaad Qabta.

Daawo Sawiradda :

shamsi diin shamsu diin 1 shamsu diin 2 shamsu diin 5 shamsu diin 6 shamsu diin 7 shamsu diin 8 shamsu diin 9 shamsu diin 10 shamsu diin 11 shamsu diin 12 shamsu diin 14 shamsu diin 15 shamsu diin 16 shamsu diin 17 shamsu diin 18 shamsu diin 19 shamsu diin 20 shamsu diin

Puntlandpost.com

Xafiiska – Boosaaso