Gudiga xiriirka kubada kolayga Puntland oo Qardho safar shaqo ku jooga

Qardho-(Puntland Post) Gudiga Xiriirka kubada kolayga Puntland oo maalinimadii Jimcaha safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ayaa waxa ay cayaaro kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa gacanta ee Basketball ka u qabteen dhalinyarada magaalada Qardho gaar ahaan ardayda dugsiyada sare waxaan cayaar basketballka ah isku arkay laba naadi oo kala matalaya dugsiyada Sh. Osmaan iyo Muntada.

Hay’ada Cilmi barista Puntland ee PDRC oo safarka shaqo qayb ka ahayd iyo waliba masuuliyiinta ayaa kulamo la qaatay Maamulka gobolka kan degmada iyo Bahda waxbarashada.

Masuuliyiinta ayaa aroornimadii sabtida kulan kula qaatay xafiiska dowlada hoose ee degamada qardho gudoomiyaha degmada waxayna masuuliyiinta kala hadleen sidii loo der der galin lahaa kubada kolayga magaalada Qardho waxa ay sidoo kale maamulka degmada Qardho ka codsadeen inuu ka qayb qaato sidii magaalada Qardho looga hergalin lahaa garoomo lagu cayaaro kubada kolayga kuwaasoo heer caalami ah.

Gudoomiyaha degmada Qardho oo gudiga xiriirka kubada kolayga xafiiskiisa kusoo dhoweeyay ayaa ka shanqariyay inay ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada horumarinta Sporst ka magaalada waxa uu sidoo kale xusay inay dhankooda balan qaadayaan keenista dhulkii laga dhisi lahaa garoomada kubada kolayga sidoo kalena ay ka qayb qaadanayaan lacagaha lagu dhisayo garoomadaas.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulan la qaatay Gudoomiyaha gobolka karkaar waxayna gudoomiyaha ka codsadeen inuu kala qaybqaato sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa looguna weecin lahaa cayaaraha fudud kuwaasooo in badan ka qayb qaata nabada, yaraynta colaadaha, tahriibka iyo waliba mukhaadaraadka.

Gudoomiyaha gobolka ayaana dhankiisa sheegay inay sooo dhowaynayaan masuuliyiinta albaabadoodana ay u furan yihiin masuuliyiinta kubabada kolayga sida ay ka dhawaajiyeena dhankooda ay ka qayb qaadan doonaan wacyigalinta bulshada dhanka cayaaraha kolayga, wuxuu kaloo gudoomiyuhu masuuliyiinta iyo waliba Hay’ada PDRC uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan sidii dhalinta loogu heli lahaa barnaamijyo ka mashquuliya waxyaabaha xun xun sida daroogada, tahriibka, tuuganimada iyo waliba kuwa kaloo aad u farabadan.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka waxbarashada gobolka iyagoo ugu dambayn booqday dugsiga sare ee Sh. Osmaan halkaas oo ay wacyigalin ugu sameeyeen ardayda dugsiga iyadoo iskulka uu ku soo dhoweeyay maamulka iskuulka , Hay’ada PDRC ayaana goobta ku soo bandhigtay cayaaro horay loogu qabtay dhalinyarada labo beelood oo walaalo ah oo in mudo ah ku dirirayay deegaano katirsan gobolka karkaar kuwaasoo ay ku adkayd ama aan is arag in ka badan 5 sano nasiib wanaag ay isku arkeen cayaar saaxiibtinimo oo ay soo abaabuleen qaar kamid ah dhalinyarada iyadoo hay’ada PDRC na ka caawisay kharashaadka iyo waliba adeegyadii suuragalin lahaa qabashada cayaarta.

Buraale oo ah masuul ka tirsan hay’ada PDRC ayaana gabgabadii ardayda u sheegay in cayaaraha in badan ay ka qaybqaataan nabada iyo isdhexgalka bulshada.

Safarka masuuliiyiinta kubaa kolayga sidoo kalena ay qayb ka tahay Hay’ada Cilmi barista Puntland eePDRC ayaa ah mid lagu dar dar galinayo Sports ka gaar ahaan kubada kolayga oo dhawaan lamagacaabay masuuliyiinta kubada kolayga.
2016-01-23_22.28.09

2016-01-23_22.28.45

IMG_3935

IMG_3941

IMG_3959

IMG_3965

IMG_3987

IMG_4004

IMG_4008

IMG_4025

IMG_4540

IMG_4730

IMG_4746

IMG_4763

IMG_4776

IMG_4795

IMG_4802

IMG_4805

IMG_4830

IMG_4853

IMG_4865

IMG_4876