PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun) oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha dhinaca arimaha bulshada rayidka ah

Share

shiikhMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay (20/01/2016) la taliyaha arimaha bulshada rayidka ah u magacaabay Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun). Shiikh Aduun ayaa mudo dheer ahaan jiray weriye ka howl gala degaanada Puntland. Waxa uuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo arimaha bulshada rayidka ah.

Shiikh Aduun oo magacaabistiisa ka dib la hadlay Puntland Post ayaa sheegay in uu dhowaan wadanka iman doono si uu u guda galo howsha loo igmaday.

Leave a Reply