Ururka MAP oo Garowe ku qabtey shir looga hadlayo bad-qabka tacadiga ka dhanka ah warfidiyeenka

Garowe-(Puntlandpost) Ururka suxufiyiinta Puntland (MAP) ayaa maanta oo Axad ah magalada Garowe shir ugu qabtey wariyayaal ka yimi Qardho,Gaalkacyo iyo Garowe, kaasoo salka ku haya sidii looga wada arrin san lahaa bad-qabka iyo tacadiga ka dhanka ah warfidiyeenka.

Furitaanka shirkan oo labo maalmood soconaya, waxaa kasoo qayb galay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, madaxda ururka MAP iyo gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha.

Gudoomiyaha MAP, Faysal Khaliif Barre ayaa jeediyay khudbad uu ku faah faahinayo ujeedada shirkan ka danbeysay in loo qabto, wuxuna sheegay inay muhiim tahay in suxufiyiinta ay is-waydaar sadaan araahdooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa caqabadaha wariyaasha.

Barre waxa uu sheegay inay doonayaan in wariyaasha shirkan kasoo qayb galay iska aruuriyeen sida amaanka wariyaha loo ilaalin karo iyo xagga shaqadda iyo sharciga, xogta shirka kasoo baxda ayuu sheegay in tababaro iyo shirar kale laga samayn doono.

Gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Maxamed Yuusuf ayaa soo dhaweeyay tababarka suxufiyiintan loo qabtay, waxa kale uu sheegay inay mar kasta diyaar u yihiin inay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay inuu dhammaadey is-fahan daradii wariyaasha iyo wasaradiisa u dhaxaysey waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in wariyaasha ka shiraan xagga amaanka iyo shaqadooda, isagoo kaftamaya ayuu sheegay inay muhiim tahay in dacaayadaha baraha bulshada lagu qoraya laga waan toobo isagoona tusaale usoo qaatay sawir laga qaaday oo si kale loo dhigay.

Shirka wadatashiga oo maalinka berito ah soo xirmi doona ayaa wariyaasha waxay isku dhaafsan doonaan aragtiyo kala duwan sidoo kale inta uu socdo waxay wariyaashu ka hadli doonaan xeerka warbaahinta Puntland iyo kan Somalia oo dhaliil badan loo jeediyay.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

18

19

20

21

22

23

24
Puntlandpost.com