Shirkii Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhamaaday iyo Muqdisho loo balamay

Kismaayo(Puntlandpost)-Shirkii madaxda Soomaaliya uga socda Kismaayo ayaa lasoo gaba gabeeyey maanta mana jirto natiijo ka soo baxday,iyagoo masuuliyiintu isku mariwaayeen habka doorashada loo wajahayo.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkii madaxda uga socda Kismaayo uu maanta soo gaba gaboobay,islamarkaana uusan jirin go’aan lawada qaatay,balse wuxuu xusay in Shir kale loo balamay Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid,Guuleed iyo Shariif Xasan ayaa ka duulay Kismaayo,iyagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho,madaxweyne Cabdiwali Cali Gaaas iyo Madoobe ayaana ku haray Kismaayo.

Beesha caalamka oo cadaadis saaraysa madaxda Soomaalida,ayaan rabin mudo korarsi waxayna doonaysa in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sanadkan.

Shirka Kismaayo maanta natiijo la’aanta kuso gaba gaboobay ayaa ka duwanaa shir bishii lasoo dhaafay ee sanadkii hore lagu qabtay Muqdisho,waxaana la doonayey in lagu go’aamiyo hab loo marayo doorashada sanadkan,inkastoo aysan suuro galin.

Puntlandpost.com.