Shirkii Kismaayo oo lagu kala kacay

Kismaayo-(Puntlandpost)- Wararka aan ka helayno hada Kismaayo ayaa sheegaya in lagu kala kacay Shir maanta ay mar kale isugu yimaadeen madaxda Soomaalida, kadib markii lagu heshiin waayey go’aan lawada qaato.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saartay madaxda inay go’aan kasoo saaran Shirka Kismaayo,shirar gaar gaara ayaa hada ka socda Kismaayo, sida aan wararka ku helayno,waftigii uu hogaaminayey madaxweyne Gaas ayaa ku jira shir,iyagoo la filayo inay shirka kadib la hadlaan warbaahinta.

Xubnihii ka socday beesha caalamka ayaa kusugan Kismaayo,waxaana laga yaabaa hadii masuuliyiinta Soomaalidu go’aan wada qaadan waayaan inay doorashada qaabkay udhici doonto go’aamin doonaan beesha caalamku.

wararka kale oo kusaabsan xogta Shirka Kismaayo la soco.