QM oo sheegtay in loo baahan yahay 886 Milyan si loo caawiyo Soomaaliya

Nairobi-(Puntlandpost)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay 886 milyan si loo caawiyo dadka Soomaalida sanadkan

Xafiiska gar gaarka  ee QM UN OCHA ayaa sheegtay 4.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gar gaar sanadkan 2016, ayna doonayaan in 3.5 milyan oo soomaali ah ay gar gaar gaarsiiyaan.

“Tiradan malaayiinka ah waxaa ku jira hal milyan oo qof oo cuno-yaraan ay soo wajahday iyo 3.9-milayn oo qof oo ku nool xaalad laga argagaxo,” ayuu lagu yiri warbixinta OCHA.

Ha’yadda ayaa sheegtay in todobaadkan raadin doonto shaqaalaha lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed,waxaana warbixinta lagu xusay in dad gaaraya 145,000 ay waxyeeleeyeen roobabkii watay dabaylaha oo ku dhuftay meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya sanadkii tagay.

Warbixinta ayaa loogu mahadceliyey wadamadii caawiyey Soomaaliya sanadkii tagay,Ha’yadda ayaana tilmaamtay in 2.5 Milyan oo Soomaali ah ay gar gaar  gaarsiiyey sanadkii 2015.

Puntlandpost.com.