Madaxwaynaha DFS,iyo kan Gal-Mudug oo weli ku sugan Jowhar

hassanjowharJowhar-(Puntlandpost) Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxwaynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa weli ku sugan magalada Jowhar halkaasoo maalinkii shalay uu ka furmay shirka mamulka loogu dhisayo Hiiran iyo Shabeelada dhexe.

Madaxwayne Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay muhiim tahay mamulka inuu dhismo, waxa kale uu sheegay inuu ku faraxsan yahay shirka oo qaar ka mid ah beelaha qaarkood aad u dhaliilsan yihiin.

Dowladda dhexe ayaa shirka gacanta ku haysa, waxaana la adkeeyay ammaanka magalada iyadoona goobaha muhiimka ah lagu arkayay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka oo Arbaco ah laga sugayaa magalada Kismaayo oo lagu wado inuu ka furmo shirka arrimaha doorashada 2016 lagu go’aaminayo waxaa kale oo magalada laga dhowrayaa wakiilada beesha caalamka oo shirkaasi goob joog u noqonaya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa dib uga laabtay magalada Kismaayo, lama sheegin sababta walow wararka soo baxayaa ay tilmaamayaan inay jiraan kala aragti duwanaan la xariirta qabsoomida shirka maadama weli madaxwaynaha Soomaaliya uu Kismaayo ka maqan yahay.

Shalay waxaa magalada soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sh,Cismaan Jawaari, warar hordhac ah ayaa sheegaya in Jawaari, Cumar Cabdirashid, Gaas iyo Madoobe ay xalay wada kulmeen si guudna uga wada hadleen xaalada dalka.

Sarkaal ka tirsan Puntland oo aan khadka talleefonka kula xariirnay ayaa noo sheegay in soo dhawaynta madaxwaynaha Soomaaliya la diyaariyay ayna macquul tahay marka uu yimaado in shirka la bilaabo.

Ammaanka Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, wadooyinka muhiimka waxaa dhooban ciidanka Jubbaland iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka.

Puntlandpost.com