Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gudaha u galay Guriga Sen. Cabdi Qayb-diid


Muqdisho (PP) ─
Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa gudaha u galay goor-dhaweyd guriga uu ka deggen yahay Muqdisho Sen. Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid], isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidankan ayaa xiray wadooyinka soo gala Guriga Cabdi Qeybdiid oo ku agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, Waxaana la sheegay inay ka wadaan baaritaan aan la ogeyn wuxuu salka ku hayo.

Markii uu weerarku dhaacyay ma jirin wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidankii ilaalada ka ah Guriga Mudane Cabdi Qeybdiid iyadoo uusan Senator-ku xilligaas ku sugnayn gurigiisa, isagoo xusay inuu lasoo xiriiray taliyaha ciidamada NISA ee Muqdisho, uuna u sheegay in ciidamada gurigiisa galay ay ahaayeen kuwa Dowladda Imaaraadku ay tababaro.

Senator Cabdi Qaybdiid oo Weerarka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan garanayn sababta keentay in gurigiisa ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ay galaan, isagoo xusay inay burbur gaarsiiyeen..

“Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa gudaha u soo galay gurigayga isla markaana argagax weyn ku abuuray ilaaladii iyo xubnihii qoyskayga ee guriga joogay, aniguna shaqo ayaan ku maqnaa,” ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid].

Isagoo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Gurigayga alaabkiisa gaarigii ay ciidamada wateen ayaa lagu jabiyay, waxaana la dhaawacay laba ilaaladayda ka mid ah, sidoo kalena xaaska iyo carruurta ayaa si xun loola dhaqmay oo qaarkood musqulaha lagu jabiyay. Mana garanayo xilli dalka la qabsaday, waana la yaab in la igu yiraahdo gurigiisa waxaa weerararay ciidamada Imaaraadka.”

Sidoo kale Senator-ka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda laga doonayo inay caddeeyaan sababta keentay in gurigiisa lasoo weeraro, isagoo warbaahinta ka dalbaday inay gurigiisa eegaan burburka loo geystay.

Dhanka kale, Waxaa weerarka kaddib guriga Senator-ka gaaray saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo uu ka mid ahaa taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Jen. Gorod, isgaoo sheegay in baaritaanno lagu sameyn doono sababta keentay in guriga xildhibaanka lasoo galo.

Ugu dambeyn, Hoyga Senator Aqalka Sare  ka tirsan iyo xildhibaanka golaha shacabka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dastuurka dalka dhigayo. Laakiinse lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida

Wixii kasoo kordha wararka ku saabsan baaritaankan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntlandpost.

PUNTLAND POST