Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wax dambi ah lagu waayay, lana siidaayay

Waxaa goordhow Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday Go’aankii kama dambeeysta ahaa ee ku saabsanaa kiiskii lagu eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wax dambi ah lagu waayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaana Gudoomiyaha uu amray in si buuxda xuriyadiisa loo siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Gudoomiyaha Maxkmada ayaa sheegay in Xeer ilaalinta aanay u furneyn wax racfaan ah.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Xeer ilaalintu ay maxkamada horkeeni weysay cadeeymo la xariira dambiga uu galay islamarkaasina lagu soo eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xasan Maxamed samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho