Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta mar kale la maxkamadeynayo

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ay dammaanad ku siidaysay dowladda Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah maxkamad la soo taagayaa, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo uu ka tirsanaa.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Kamal Guutaale ayaa u sheegay VOA-da in saaka oo Khamiis ah maxkamad la horgeyn doono Cabdiraxmaan cabdishakuur oo loo haysto dacwad ku saabsan Khiyaano qaran.

Dhinaca kale qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa sheegay in lagu soo war geliyay in Maanta oo khamiis ah la maxkamadeynayo,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu waayi doono denbiyada loo haysto.

PUNTLAND POST