Ciidamada Dowlada oo weeraray Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiyada Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ciidamadaan oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababar ee loo yaqaano Alfa Group ayaa weerarkaan ku qaaday Hooyga Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku yaala Meel aan ka fogeeyn Garoonka Muqdisho.

Ciidamada Dowlada iyo Ciidamo uu watay Siyaasigaan ayaa iska hor imaad dhexmaray kaasi geeystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur waxaana wararka ay sheegayaan in 6 Askari oo ka tirsanaa ilaalada Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdishakuur weerarkaasi lagu dilay.

Ciidamada ayaa watay oo xabsiga u taxaabay siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo ciidamadaaan weeraray hooyga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Ma wadan wax Warqad xiritaan ah oo ka soo baxday maxkmadaha dalka.

Wali Dowlada Soomaaliya wax war ah kama soo saarin falkaasi ay ku weerareen hooyga Cabdi Raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho