Muuse Biixi Cabdi oo ku guulaystay Madaxweynaha Somaliland

Xisbiga Kulmiye ayaa markale ku guulaystay talada Somaliland,kadib doorashadii madaxtinimo la qabtay 13 bishaan Nov,waxaana madaxweyne loo doortay Muuse Biixi Cabdi oo helay 55.19% codadkii la dhiibtay,halka musharrixii ku soo xigay ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan maxamed cabdillaahi Cirro uu helay 40.73%, Xisbiga UCID oo kaalinta saddexaad soo galay ayaa helay 4.17%,sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Caddulqaadir Iimaan Warsame ayaa doorashada ku tilmaamay mid u qabsoontay si hufan oo waafaqsan Xeerka doorashooyinka  iyo Dastuurka Somaliland,islamarkaana ka maran  musuq maasuq,cabsi-gelin,luuluush iyo eex,haye yeeshee Xisbiga Waddani ayaa shalay qaaddacay doorashada oo uu sheegay in lagu shubtay.

Markii la shaaciyey natiijada ayaa kumanaan damaashaadaya buuxiyeen qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland,gaar ahaanna meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiga Kulmiye ilaa iyo haatanna lama soo werin wax rabshado ah. Xisbiga waddani ee doorashada qaaddacay ayaan weli wax war ah ka soo bixin,balse waxaa la filayaa in ay saacadaah soo socda warbaahinta la hadlaan.

PUNTLAND POST