Baarlamanka Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaamay dhiibistii Qalbi-dhagax

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya oo haatan kulan uga socdo Xarunta Baarlamanka ee Caasimadda Muqdisho ayaa warbixin ku saabsan kiiskii Qalbi-dhagax oo aha sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF,kaasoo xukuumadda Soomaaliya u gacan gelisay Ethiopia,waxay ka dhegaysteen guddi loo xilsaaray.

Guddiga ayaa Baarlamanka ka hor akhriyey warbixinta natiijada baaritaankii ay sameeyeen,waxaana guddiga u soo baxday in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse ay ahayd sharci-darro,sida uu sheegay Guddoomiyaha guddigaas Xil.Cali Yusuf Cali(Xoosh).

Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyey in heshiiska xukuumaddii Xassan Sheekh la gashay Ethiopia ee loo cuskaday dhiibitaanka Qalbi-dhagax aanu ahayn maxaabiis is-weydaarsi balse uu ahaa iskaashi dhinaca amniga ah oo ku aaddan xasilinta degaannada xuduudka ah ee labada dal.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay,natiijada baaritaanka kiiskaan,waxayna cod aqlabiyad ah isku raaceen in dhiibitaanka ninkaas aan loo marin waddo sax ah,islamarkaana ahayd sharci-darro,iyagoo xukuumadda Soomaaliya weydiitay jawaab in ay ka bixiso.

152 Xildhibaan oo ka tirsan xubnihii fadhiyey kulanka ayaa ogolaaday warbixinta,lixna waa diidday,halka saddex kale ka aamustay. Guud ahaan waxaa kulanka fadhiyey 161 xubnood.

PUNTLAND POST

One comment on “Baarlamanka Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaamay dhiibistii Qalbi-dhagax”

  1. Arrinta qudha ee ka maqan Dastuurka Federal Beeleedka Qabyada ah, ee aan weligeed ka maqnaan Dastuuradii ka horreeyay illaa 1960gii Waa Arrinta Hawshan oo Dhan Ku salaysan tahay oo keentay Kacdoonka Dadweyne Taasoo ah “Somaliweyn, Pan-Somalia”…Dastuurka qabyada ah cidda ka reebtay iyo sababta looga reebay waa in Soomaali oo dhan ogaataa …Kacdoonku Waa Soconayaa Qalbi Dhagax mahan arrintu waa ka weyn tahay…….Waa Midnnimada Somaliya ..Waxan Guddi Ku Sheegu soo mal maluuqeenna mahan wax lagu qanci karo….Waana arrin khatar ku ah wadajirka umadda Soomaaliyeed ….Kacdoonka Somaliweyn Waa Inuu Socdaa …Xuduud malahan qofka Soomaaliyeed ee deggan Djabout-Diridaba-Borama -Bosaosao-Baladweyn-Baraawee-Iyo Siyeeloow…….arrintaas waa inaan Soomaliyeey la idinkaga gadan waad taba yar tihiin maanta ee aammusa…Taas mahan inaan qaadanno…Cidda kala shaqaysay Mahiga iyo Gen Gabre in Dastuurkan qabyada laga saaro 5ta Somalia ayaa ayaguna maxkamad mudan!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *