Dhimashada Weerarkii Al-shabaab ee Hoteel Nasa-hablood Laba oo Gaartay 25-qofood

Muqdisho (PP) ─ Weerarkii ay xalay Xoogagga Al-shabaab ku qaaday Hotel Nasa-hablood Laba ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 25-qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 40-qof oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.

Xoogagga Al-shabaab ee weeraray hoteelka oo la sheegay in qaarkood lagu dhigay gacanta ayaa hoteelka ka dhex dagaalamayay muddo 12-saacadood ah sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Somalia, inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in hawl-galka lasoo af-jaro aroornimadii hore ee saakay.

“Dhimashadu waxay maraysaa 25-qof oo ay ku jiraan ciidammo booliis ah, ilaaladii hoteelka iyo shacab. Dhimashadu intaas way kasii badan kartaa,” sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Somalia oo warbaahinta la hadlay.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray. “Saddex ka tirsan xoogaggii Hoteelka soo weeraray gacanta ayaa lagu dhigay iyagoo nool, laba ka mid ahna Goobta ayay ku geeriyoodeen kaddib markii ay is-qarxiyeen.”

Weerarkan ayaa billowday 5:00 galabnimo ee shalay oo Sabti ahayd, tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna waxaa socday iska-horimaadyo ka dhacayay gudaha Hotel Nasa-hablood, kuwaasoo socday illaa aroortii hore ee Axadda Maanta ah.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay inay arkeen in ka badan dhimashada 10-qof oo yaallay gudaha hoteelka, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shabaab.

Mid ka mid ah dhallinyaradii gudaha Hoteelka ku sugnaa markii uu weerarku billaabanayay ayaa warbaahinta u sheegtay in kooxaha gudaha uga galay hotel Nasa-hablood ay tiradoodu ahayd toddoba, inkastoo dowladdu ay ku sheegtay tiradooda shan ruux oo keliya.

Ugu dabeyn, Weerarkan ayaa geystay burbur xooggan oo soo gaaray gabi ahaan dhismaha hoteelka iyo dhismayaasha ku dhaw-dhaw, waxaana uu ku soo beegmayaa iyadoo laba toddobaad laga joogo weerarkii Isgoyska Zope ee khasaaraha faraha badan geystay.

PUNTLAND POST