Wasiirkii Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo ku dhintay qarixii Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa qaraxa iyo weerarada ka dhacaya caawa Muqdisho ku geeriyooday wasiir katirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Allaha u naxariistee Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Qaraxa.

Qaar kamid ah ehlada Madoobe Nuunow ayaa xaqiijiyay geerida Marxuum Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxaa wali gudaha Hoteelka laga maqlayaa daryanka qaraxyada iyo rasaasta ay is weeydaarsanayaan kooxdii soo weerartay Hoteelka iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Kooxda Caafimaadka ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in 19-Ruux ay ku dhinteen qaraxa ka dhacaya Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa Caawa waxa ay ka seexan la’yihiin daryanka qaraxyada iyo rasaasta la maqlayo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho