Khasaarihii dhimasho ee ka dhalatay Qaraxii Muqdisho oo aad u korortay

Muqdisho (PP) ─ Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in geerida dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ay marayaan in ka badan 200 qof, kuwaasoo isugu jiray, rag, dumar, haween iyo carruur.

Muqdisho ayaa maanta waxay ka duwanayd sidii ay ahaan jirtay, iyadoo ay hareysay shacabka; murugo, iyo caloo-xumo daran, waxaana inta badan shcabku ay maanta baadi-goobayeen ehelladoda oo intooda badan aan la ogeyn meel ay jiraan.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho oo ahaa midkii ugu xooganaa ee abid oo mara Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu galaaftay nolosha in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana isbitaallada weli lagu arkayaa maydad iyo dhaawacyo fara badan oo dhex-yaalla.

Isbitaalka Madiina oo ah midka ugu daran ayaa waxaa la geeyay in ka badan 100 qof oo dhimashoa ah, sida ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen, iyadoo isbitaallo kale oo ku yaalla Muqdisho iyagana la geeyay dhaawacyo kala duwan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badna waxay maanta u aqoonsadeen inay tahay maalin madow, waxaana sidoo kale dowladdu ay ku dhawaaqday in calanka hoos loo dhigo muddo saddex maalmood ah, si loogu baroor-diiqo shacabkii ku waxyeelloobay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay.

Dhanka kale, Waxaa jiray maydad laga soo saaray saakay dhismayaashii ku  burburay qaraxa, waxaana sidoo kale la helay shan ruux oo nool, kuwaasoo qaarkood ay dhaawacyo qabeen, waxayna ku jireen burburka dhismayaasha, waxayna kala ahaayeen afar rag ah iyo qof dumar ah.

Ugu dambeyn, Dhaawacyada illaa hadda la ogyahay inay Qaraxii Zoope ka dhacay ka dhasheen ayaa tiradoodu ay kor u dhaafaysaa 300-qof oo ay ku jiraan ilo aad u fara badan.

PUNTLAND POST