Madaxweynaha Somalia oo u yeeray Madaxda Maamul Gobaleedyada ee ku Shiray Kismaayo

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u yeeray dhammaan Madaxda Maamul-gobaleedyada Dalka, kaddib markii shalay uu soo dhamaaday kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, kaasoo ay kasoo saareen war-murtiyeed dhawr qodob ka kooban.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu la hadlay Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada, kana dalbaday inay si deg-deg ah u yimaadaan Muqdisho, si looga wadahadlo muranka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul-gobaleedyada.

Sidoo kale, Wasiiro ka tirsan Saddex maamul-gobaleed iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyada ay 20-ka bishan lagu jiro looga yeeray Madaxtooyada si looga hadlo cabashada ay qabaan loona helo is faham iyo wada-shaqeyn dhax-marta Dowladda dhexe iyo Madaxda Maamullada dalka.

Dhanka kale, Qoraal xalay kasoo baxay Madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in caqabad kasta oo taagan lagu xaliyo is fahan iyo wadahal iyadoo Farmaajo uu xusay inuu dareemayo walaaca ay qabaan madaxda maamul-gobaleedyada.

Ugu dambeyn, Warbixintii xalay kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo iyo shirkan loogu yeeray Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyada dalka 20-ka bishan ayaa u muuqda mid damin kara jahwareerka siyaasadeed ee xilligaan ka taagan Somalia.

PUNTLAND POST