Maxamed Cabdi Waare oo ku Guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Hirshabelle


Jowhar (PP) ─
Musharrax Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kaddib markii uu kaga adkaaday wareeggii labaad ee doorashada musharraxii la tartamaya Daahir Cabdulle Cawaale.

Xildhibaannadii codeeyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 97 xildhibaan, iyadoo uu helay Musharraxa guuleystay ee Waare 74 cod, halka uu musharraxii la tartamayay ee Cawaale uu helay 23 cod sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, mana jirin wax codad ah oo xumaaday.

Intaas kaddib, waxaa natiijada kaddib goobta ka hadlay musharraxii xilka looga guuleystay ee Daahir C/lle Cawaale oo hambalyo u diray Maxamed Cabdi Waare oo loo dootay madaxweynaha Hirshabelle, isagoo hadalkiisa ku daray in uu la shaqeynayo madaxweynaha cusub, uuna u mahad-celinayo gabi ahaan xildhibaannadii codeeyay iyo mas’uuliyiinta doorashadan kasoo qayb-galay.

Dhanka kale, Waxaa isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sheegay inuu ku shaqeyn doono si cadaalad ah, isla markaana uu ka shaqeyn doono isku keenidda shacabka maamulka Hirshabeelle oo dhan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle ayaa looga adkaaday doorashadii middan ka horreysay ee madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo uu ku guuleystay Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan xilka laga qaaday.

PUNTLAND POST